Maalgashi
MAALGASHI
Meesha ay dhacdo dekada Garacad iyo xasiloonida kajirta deegaanada Puntland oo ay dekadu kutaal waxay fursad usiisay inay si deg deg ah uhesho maalgalinti ay ubaahneyd dekada in lagu dhiso, taa waxaa dheer inay qorshaha ugu jiraan shirkadda wadaagsan inay sidaa si lamid ah uhesho fursado maalin galineeed dhanka dhoofinta xoolaha, kalluumeysiga iyo macadanaha kala duwan. Mashruucan waxa uu tusaale wanaagsan uyahay mashaariicda maalgashi ee waaweyn ee lagu aasaasey isku tashi dadweyne, sidaa darteed waxa uu dhiira galiyey albaabadana ufuray inay maalgashadaan dhamaan umadda soomaaliyeed si loo wadaago faa’iidada mashruuca. Shirkadda wadaagsan waxay ufurtey dhamaan dadweynaha iyo ganacsatada soomaaliyeed inay soo maalgashan karaan mashruucan Qof kasta oo daneenaya maalgashiga mashruuca waxuu lasoo xiriiri karaa ciwaanada kor ku xusan.
