Shirkadda wadaagsan
Dekedda Garacad
Mashruuca dhismaha dekada Garacad ee ay hirgalineyso shirkadda Wadaagsan, waa mashruuc maalgashi oo isku tashi ah, lana bilaaabay bishii 1aad 2016. Maalgashiga mashruucan waxaa iska kaashanaya ganacsato iyo xirfadlayaal soomaaliyeed iyo dowladda puntland oo kuleh door muhiim ah. Xafiiska ugu weyn ee shirkadda Wadaagsan waxa uu ku yaala magaalada gaalkacyo gaar ahaan Iftin palaza. Shirkaddu waxa ay xarumo ku leedahay magaaloyinka Garacad iyo Garowe. Mashruuca Dekada Garacad waa mid isku xiraya ganacsiga gobollada dhexe ee soomaaliya, bariga itoobiya iyo adduunka intiisa kale, gaar ahaan bariga fog (albaabka isku xiraya Afrika iyo Aasiya).
Hiigsi iyo Himilo
— Hiigsi
- Shirkadda Wadaagsan waxay hiigsanaysaa inay noqoto hormuudka iyo hogaanka shirkadaha bixiya adeega dekedaha ee soomaaliya iyo geeska afrika.
- To construct a preferred sea port in the horn of Africa region in terms of cargo handling.
- To open the Central Regions of Somalia and South Eastern Ethiopia for easy and accessible trade with the outside world especially the Gulf countries and Far East Asia.
— Himilo
Himilada Shirkadda Wadaagsan waa inay Garacad ka dhisto dekad casri ah oo bixisa adeegyo dekadeed oo dhameystiran. Shirkadda Wadaagsan waxay ka qayb-qaadanaysa isku xirka dekeda Garacad iyo kastamka Tuurdibi waxaana mashruuca kamid ah dhismaha waddo dhan 303Km oo isku xiraysa Garacad, Galkacyo, Galdogob (3G), waddadaas oo laf dhabar u ah isu socodka iyo xiriirka ganacsi ee soomaaliya iyo itoobiya.

Ujeedooyinka
Ujeedka guud ee shirkadda Wadaagsan waa xaqiijinta iyo ka gun gaarista yoolka shirkadda oo ah dhisidda Dekad casri ah oo bixisa adeegyada dekedaha sida, keydinta, daabulka iyo kala gudbinta badeecadaha sida ugu fudud uguna dhaqsaha badan.
Waxay shirkadu si gaar ah u hiigsanaysaa:
Hirgalinta Dekad casri ah oo haqabtirta baahiyaha dadka iyo ganacsatada ku nool gobalada dhexe ee Soomaaliya iyo Bariga Itoobiya dhanka wax dhoofinta iyo soo dajinta (Import and Export Services) Horumarinta iyo kor uqaadista dhoofinta xoolaha taas oo ay ka faa’iidaysan doonaan ganacsatada xoolaha iyo dhammaan xoolo-dhaqatada soomaaliyeed iyo kuwa bariga Afrika.
Helitaanka dekad caalami ah oo u fududeysa ganacsatada soo dajinta iyo dhoofinta cuntooyinka iyo agabka kale sida: qalabka dhismaha, beeraha iyo gaadiidka, si looga hortago abaaraha loogana qeyb qaato horuminta dalka iyo koboca dhaqaalaha. Fududaynta helitaanka goob (hub) caalami ah oo ay ku kala wareegaan konteenarada u kala gooshaya afrika iyo dunida inteeda kale(Transshipment services). Ka qayb-qaadashada horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha dalka sida: dhismaha dekedda Garacad, wadada Garacad, Galkacyo, iyo Galdogob (3G). iyo Kastamka Tuurdibi ee xadka itoobiya iyo soomaaliya.
Faahfaahinta Mashruuca
- Mashruucaan Waxaa laga hirgaliyey deegaanka Garacad oo qiyaas ahaan u jira Galkacyo 240km,Xadka Itoobiya (kastamka Tuurdibi ee xadka Ethiopia) 303km, Muqdisho 750km, Boosaaso 920km, Berbera 1400km(cabirka xeebta), dekadda Garacad waxay noqonaysaa Gunta biyaheeda hoose 8.5M -13M.
- Mashruucaan waxa uu ka kooban yahay Dekad caalami ah oo leh 4 Jambi-saar (4 berths) oo maraakiibta waawayn iyo Doonyuhuba kusoo xiran karaan, Haamaha Kaydka Shidaalka, Bakhaaro (warehouses) iyo Barxado (Parking) waa wayn oo lagu kaydiyo badeecadaha kala duwan, Xafiisyo gacansi iyo Xarumo Dawladeed, Aaga Ganacsiga Xorta ah iyo Wado 303 KM oo isku xiri doonta Dekadda Garacad iyo Kastamka tuur-dibi.
- Dekeda Garacad waxaa kasoo dagi kara 3,500,000 tan sanadkii taasoo ah mid dabooli karta xaddi kasta oo loo baahdo ee dhanka adeega wax soodajinta.
- Mashruucan waxa uu daboolaya dhul baxadiisu le’egtahay 84km².
- Dekeda waxa kusoo xiran kara markiiba 4 Markab oo xamuul Ah 10,000 DWT-30,000 DWT .
