Shaqooyin Ka Banaan Shirkadda Wadaagsan Qaybta Hagaajinta iyo Dayactirka Waddada Isku Xirta magaalooyinka Garacad, Gaalkacyo iyo Galdogob.

Share it

 

Ref No: 0024/2022/HRJD/WCL

OGAYSIIS

Shaqooyin Ka Banaan Shirkadda Wadaagsan Qaybta Hagaajinta iyo Dayactirka Waddada Isku Xirta magaalooyinka Garacad, Gaalkacyo iyo Galdogob.

Hordhac

Shirkadda Wadaagsan waa Shirkad ay ku midaysan yihiin ganacsato iyo xirfadlayaal Soomaaliyeed oo loo aasaasay fulinta Mashruuca Dhismaha Dekadda Garacad ama Koridoorka Garacad. Shirkadda Wadaagsan oo la aasaasay 2016, waxay xarumo ku leedahay magaalooyinka Gaalkacyo iyo Garacad. Shirkadda Wadaagsan waxay hada gacanta ku haysa hirgalinta Mashruuca Dhismaha Dekadad Garacad (Garacad Corridor) oo ka kooban Dekad Carsi ah oo laga dhisayo magaalo xeebeedka Garacad iyo Waddada isku xiri doonta Magaalooyinka Garacad, Gaalkacyo iyo Galdogob.

Madaama uu soo dhawaaday furitaanka wajigii kowaad (Phase I) ee Dekadda Garacad, Shirkadda Waadaagsan waxay qorshaynaysaa inay shaqooyin hagaajin iyo dayactir isugu jira ka qabato waddada wadaagsin ee isku xirta magaalooyinka Garacad, Gaalkacyo iyo Galdogob(3G). Hawlaha ka shaqaynta waddada Wadaagsin waxaa ka qayb-qaadan doona ilaa lix (6) Shirkadood oo ah kuwa ka shaqeeya dhismaha wadooyinka si shaqo balaaran oo dib-u-hagaajin iyo dayactir ah looga qabto waddada intaan la gaarin furitaanka Dekadda.

Hadaba Shirkadda Wadaagsan waxay raadinaysaa xirfadlayaal aqoon sare/durugsan u leh ka shaqaynta wadooyinka iyo ku shaqaynta qalabka birta culus iyo baabuurta wadooyinka looga shaqeeyo. Shirkadda Wadaagsan waxay muwaadiniinta leh xirfadahan hoos ku taxan ku wargalinaysaa inay soo gudbistaan codsiyadooda ama araajidda shaqooyinkan:

Hawl-wadeenka Shaqadda Waddada (Foreman) 1 boos

  1. Hawl-wadeenka shaqadda waddada (Foreman) wuxuu masuul ka noqondoon habsi u socodka shaqada waddada iyo dhammaan agabka Shirkadda Wadaagsan ee loo isticmaalayo dhismaha iyo hagaajinta waddada Wadaagsin. Hawl-wadeenka shaqadda waxaa laga rabaa
  2. Inuu aqoon fiican u leeyahay deegaannada shaqadda laga qabanayo oo ah inta u dhaxaysa magaalooyinka Garacad iyo Galdogob, yaqaana ama sahansan karo meelaha laga heli karo Caro-kaawadda, Dhagaxa, Jayga iyo Biyaha waddada lagu dhisayo.
  3. Aqoon fiican u leeyahay Qalabka kala duwan ee looga shaqaynayo waddada sida qalabka birta culus, Iska rogooyinka iyo booyadaha.
  4. Leeyahay khibrad shaqo oo la xiriirta dhismaha wadooyinka oo aan ka yarayn (5) sano.
  5. Waa inuu haystaa Shahaado Jaamaceed oo dhanka Civil Engineering ka ah ama aqoon iyo waayo aragnimo u dhiganta. Sidoo kale aqoon fiicanna u leeyahay isticmaalka qalabka Survey ga lagu sameeyo, fahmina karo warbixinadda iyo naqshadaha kala duwan ee waddada laga sameeyey.

Wadayaasha Qalabka Birta Culus (Operators) 4 boos

Shirkadda Wadaagsan waxay raadinaysaa Xirfadlayaal aqoon sare u leh waddida iyo ku shaqaynta qalabka Birta Culus ee kala ah:

Grader (1 Operator)

Bulldozer (1 Operator)

Wheel loader ama Shavel (1 Operator)

Roller (1 Operator)

Wadayaasha Qalabka culus (Operators) waxaa laga rabaa:

1.Haysashada laysin wadida ama cadayn u dhiganta

2.inay kasoo shaqeeyeen shaqooyin wadooyin ugu yaraan 3 sano.

3.Inay ku hadli karaan ama fahmi karaan luqada ingiriiska ugu yaraan.

4.Inaysan lahayn wax balwad ah.

5.Aqoonta noocyada Cara-kaawadada iyo ciidda waa faaiido dheeri ah.

6.Inay codsiga kusoo faahfaahiyaan ayagoo kusoo lifaaqaya dhamaan wixii cadaymo ay heli karaan ee ka maqraati kacaya khibradda iyo qoonta ay u leeyihiin ku shaqaynta qalabka birta culus, shaqooyinkii ay kasoo qabteen, meelaha ay kaga soo shaqeeyeen iyo shirkadda ay la soo shaqeeyeen.

Darawaliin Baabuurta Waaywayn ee Iska-rogooyinka iyo Booyaddaha ah (4 boos)

Shirkadda Wadaagsan waxay kaloo raadinaysaa Afar (4) Darawal oo aqoon fiican u leh wadista baabuurta waawayn gaar ahaan noocyadda Iska-rogooyinka iyo booyadda biyaha dhaamiya oo isugu jira moodaladda Benz ka (Germany), UD ga (Japan) iyo Nissan ka (Japan).

Darawalka Baabuurta waaweyn (Truck drivers) waxaa laga rabaa:

1.In uu Hayso laysin darawalnimo.

2.In uu leeyahay khibrad darawalnimo baabuurta waa wayn oo aan ka yarayn 5 sano.

3.In uusan wax balwad ah lahayn.

4.Haysashada shahaado waxbarasho iyo aqoonta luuqada Englishka waa faaiido dheeri ah.

Makaanig (Mechanic)

Shirkadda Wadaagsan waxay kaloo raadinaysaa Makaanig (Mechanic) xirfad sare u leh Matooradda Qalabka Culus iyo Baabuurta waawayn. Maakaanigu wuxuu masuul ka noqon doonaa hagaajinta, ka warhaynta iyo la socoshadda badqabka qalabka Waddada ee Shirkadda Wadaagsan.

Makaaniga waxaa laga rabaa;

Shahaado Jaamacadeed ee manaanignimo ama waxa u dhigma

Khibrad makaanignimo birta culus oo aan ka yarayn 5 sano

In uusan la hayn wax balwad ah.

 

Haddaba hadaad danaysid inaan ka qayb-qaadatid tartanka loo galayo Shaqooyinka kor ku xusan, leedahayna aqoonta iyo khibradaha loo baahanyahay; Codsiga Shaqooyinkaan midii rabtid waxaad u soo gudbinaysaa Waaxda Shaqadda iyo Shaqaalaha ee Shirkadda Wadaagsan adigoo:

 

  • Keeni kara Codsigaaga Xafiisyadda Shirkadda Wadaagsan ee ku kala yaal Maagaalooyinka Garacad iyo Gaalkacyo. Fiira Gaara: Codsigaaga iyo Warqadahaaga kale waa inaad ku soo ridaa Boqshad aad korka kaga soo qortay Magaacaga oo buuxa iyo Taleefoonka lagala soo xiriiri karo.

 

 

Soo gudbinta Codsiyadda iyo Araajidda Shaqooyinkaan waxay xirmayaan Maalinta Khamiista ah ee Bisha September 22 ka tahay 2022, 04:00 PM.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *