Mareeyaha Shirkadda Wadaagsan oo la kulmay Madaxwaynaha Dawlad Deegaanka Soomaalida Mustafe Muxumed Cumar

Shirka ka dib ayaa Mareeye Siciid Faadi wuxuu yiri:
“Sharaf bay ii ahayd inaan Jigjiga kula kulmo Madaxwaynaha Dawlad Deegaanka Soomaalida (DDS), Madaxwayne Mustafe Muxumed Cumar oo runtii ka mida dadka ugu samaynta badan maantey Geeska Africa. Waxaan Madaxwaynaha ka wada hadalney ahmiyadda uu Marinka Ganacsi ee Garacad (Garacad Corridor) uu u leeyahay koboca dhaqaalaha guud ahaan Gobalkan Geeska Africa. Marinkan cusub wuxuu ka koobanyahay: Dekad casri ah oo laga hirgaliyo deegaanka Garacad; Waddo laami ah oo isku xiridoonta Dekadda Garacad, Gaalkacyo iyo Galdogob ilaa Kastamka Tuurdibi; iyo Dekad Qalalan (Dry Port) laga hirgaliyo deegaanka Tuurdibi.
“Dhamaan qodabadii aan kawada hadalney Madaxwaynaha, aragti iyo ujeed midaysan baan ka yeelanay.
Waaku mahadsanyihiin Madaxwaynaha iyo Shacabka reer Jigjiga soo dhawaynta qiimaha badan ee aan kala kulanay intaan ku sugneyn Deegaanka”.