Sawirro: Daahfurka Daraasadda Wadada Garacad-Galkacyo-Galdogob
Waxaa maanta si rasmi ah deegaanka Garacad loogu Daah-furay Daraasadda Waddada Garacad, Gaalkacyo iyo Galdogob, taasoo qorshuhu yahay in la saaro laami tayo leh.
Machadka Cilmi Baarista iyo Daraasaadka KAAD oo horay howlo uga soo qabtay Soomaaliya iyo Puntland ayaa ku guulaystay qiimaynta lagu samaynayo waddada 3G.
Daraasadda lagu samaynayo waddadaan oo muhiim u ah Mashaariicda socda waxaa maalgalinaysa Shirkadda Wadaagsan oo gacanta ku haysa dhismaha dekadda Garacad.
Cabdiraxman Jaamac Kulmiye iyo Cali Cabdullaahi Warsame oo Wasiiro ka soo noqday Puntland, hadana ah madax ka ah Machadka KAAD ayaa balan qaaday iney dedaal badan gelinayaan, si loo helo waddo naqshad fiican loo sameeyay.
Wasiirka howlaha guud iyo Gudoomiye ku xigeenka Ha`adda PHA, duqa degmada Jariiban, Madaxda Wadaagsan iyo KAAD ayaa maanta wadajir u daah-furay Daraasadda.





