Daraasadda odoroska Maaliyadeed Ee Dekadda Garacad oo Lasoo Bandhigay
Maanta oo ay taariikhdu ahayd 28 February 2022 ayaa Shirkadda African Enabler’s ee Jarmalka
laga leeyahay soo bandhigtay Daraasaddii Cusbeyd ee Dekadda Garacad, daraasaddaas oo lagu soo bandhigayey sida ay noqonayso shaqada iyo Odoroska maaliyadeed ee dekadda Garacad 20 ka sano ee soo socota.

Shirkaas waxaa ka soo qayb galay xubnaha golaha Agaasinka, maamulka shirkadda Wadaagsan iyo qaybo ka mid ah Bahwadaagta (Partners ka) shirkadda wadaagsan sida TTN Construction Company iyo INGEROP Consultancy Company.





