Baahin Qandaraas : Agaasinka Xafladda Furitaanka Dekadda-Garacad

Share it

  SHIRKADDA                     WADAAGSAN

   WADAAGSAN                                                                  COMPANY                                       

  Ref  No: 002/2022/PEMS/WCL

 OGAYSIIS                                                           

 Baahin Qandaraas: Shirkadda Wadaagsan Waxay Ogaysiinaysa Shirkaddaha  Aqoonta u Leh Agaasinka Xafladaha inay raadinayso Shirkad Kala Shaqaysa Abaabulka iyo Agaasinka Xafladda Furitaanka Dekadda Garacad.

 BID  NOTICE

 Wadaagsan LLC is Inviting Eligible and Professional Companies That Provide Event Organization Services to Submit Their Application in Helping the Company To Organize the Openning Ceremony of Garacad Seaport.

   Timeline:

 Issue date: 22/ September/2022                                                     Deadline: 28/September/2022

 HORDHAC

 Shirkadda Wadaagsan: waa Shirkad ay ku midaysan yihiin Ganacsato iyo Xirfadlayaal Soomaaliyeed oo loo asaasay fulinta Mashruuca Dhismaha Dekadda Garacad. Shirkadda Wadaagsan oo la asaasay 2016, waxay xarumo ku leedahay magaalooyinka Gaalkacyo iyo Garacad. Shirkadda Wadaagsan waxay magaalo xeebeedka Garacad ka wadaa dhismaha Dekad Casri oo ka kooban 4 jambi (berths) oo kuwa maraakiibtu kusoo xirtaan ah; Barxaddaha iyo Bakhaaradda Alaabta la dhigto; Baakinadda Baabuurta la dhigto; Haamaha Kaydka Shidaalka; Maxjarka  Xoolaha; Qaboojiyayaal; iyo Xafiisyadda kala duwan ee fududaynta shaqadda.

Waxay kaloo Shirkadda Wadaagsan gacanta ku haysaa hagaajinta iyo dayactirka waddada Wadaagsin ee isku xirta magaalooyinka Garacad, Gaalkacyo iyo Galdogob.  

Dhismaha Dekadda Garacad oo hadda soo gaaray meel gebogabaa ayaa Shirkadda waxaa u qorshaysan inay diyaariso Xafladii Furitaanka Qaybta 1aad ee Dekadda. Haddaba Shirkaduu waxay raadinaysaa Shirkad takhasus, iyo aqoon sare u leh abaabulka iyo agaasinka Xafladaha waawayn ee caynkan oo kalaa.

 UJEEDO:

 Shirkadda Wadaagsan waxey usoo bandhigaysa shirkaddaha ka shaqeeya bixinta adeegyada diyaarinta iyo agaasinka xafladdaha, in ay u heyso fursad diyaarinta iyo agaasinka xafladda furitaanka dekadda Garacad taas oo kadhaceyso xarunta shirkadda ee Magaaladda Garacad, Degmada jariiban ee gobolka Mudug. Waqtiga xafladdu ay dhaceyso waxaa lala wadaagi doonaa Shirkadda ku guulaysta qandaraaskan.

 Hadaba shirkadaha daneynaya, lehna aqoon iyo khibrad ku filan oo ku aadan agaasinka Xafladaha Wayn ee Madaxdu ka soo qayb-galayso (Presidential Event) waxay shirkadda Wadaagsan ku casuumeysaa in ay soo gudbisadaan codsigooda iyo xogta shirkadooda ayagoo soo buxinaya shuruudaha hoose iyo qiimaha ay ku qabanayso adeegyadaya hoos ku faahfaahsan.

  SHAQADDA:

# Magaca shaqadda Faahfaahin
1 Diyaarinta Qorshaha iyo Habmaamuuska Xafladda Diyaarinta Qorshe dhamaystiran oo faahfaahinaya nidaamka loo agaasimayo Xafladda  bilaw ilaa dhamaad; tiradda dadka ka shaqaynaya iyo qof/koox kasta waxa ay qaabilsantahay; qalabka la adeegsanayo; iyo sida loo agaasimayo (Qorshahaan waa in codsiga lala soo gudbiyaa)
2 Kuraas (conference and executive chairs) Kuraas tiradoodu dhan tahey 800. Kana kooban 200 oo kuraas madaxeed ah iyo 600 oo kuraasta shirarka ah. Midabka kuraasta waa in ay isleeyihiin
3 Roog Roogag le’eg cabirka Hoolka(30x45M), xaaladoodu tahey kuwa fiican ama cuseyb ah. Iyo(roogag Cas) ah loona isticmaalo soo dhaweynta madaxda.
4 Shaashado iyo cod baahiyayaal (Public addressing system / Big LED Screens and sound system) Shaashado waaweyn oo lagu soo bandhigo muuqaalo iyo aaladaha cod baahinta (Internet ku filan goobta waxaa keenaysa shirkadda Wadaagsan)
5 Qurxinta goobta  (Event designing, Decoration and branding) Muujinta bilicda goobta xafladda, sida qurxinta teendhada, nidaaminta kuraasta, roogaga, Iftiiminta goobta  iyo wixii la halmaala
6 Goobta hadalka (Stage setup) Dhismaha goobta hadalka oo kor uga qaadan hoolka intiisa kale, leh miiska hadaljeedinta iyo microphones kii muhiimka u ahaa.
7 Diyaarinta kaararka casumaada,  Boorarka iyo Tilmaamayasha kale. ( Invitation cards and banner printing) Adeeg bixiyaha waxaa laga rabaa in uu diyaaryo kaararka casumaada, kaararka dadka shaqeynayo(100 Hawl-wadeenada kamid ah waxaa loo xirayaa astaan iyo dhar Gooni ah), buugaag, calamo, koofiyado iyo tabeebayaal lagu xardhey sumadda shirkadda.
8 Saxaafadda (Media and Live streaming) Adeeg bixiyaha waxaa looga baahanyahey in uu ubaahiyo xafladda si toosa sidoo kalena keeno saxaafadda maxaliga ah iyo kuwo caalami ah. Saxaafadaha loo arko muhiimka waxaa la wadaagi doono WADAAGSAN markaasna waxaa looga baahanyahey in uu saxaafadaas keeno.
9 Ka shaqeynta soo dhaweynta Adeeg bixiyuhu waxaa looga baahanyahey in uu si caalami ah oo qurxoon u qabanqaabiyo, soo dhaweynta martida asaga oo ku dhajinaya goobaha laga soo galo dekadda iyo  Airport-ka boorar waaweyn oo ay ku xardhan yihiin hadallo soo dhaweyn ah.
10. Hubinta iyo kashaqaynta Nadaafadda Hubinta nadaafadda goobta iyo Musqulaha loo diyaariyey Martidda.
11.  Soo dhawaynta iyo kala nidaaminta Martidda Ayadoo la dhawrayo habmaamuus ka Xafladda, waa in kasoo qayb-galayasha loo kala nidaamiyaa sidii loogu talagalay; lana hubiyaa in la yareeyo dhaqdhaqaa inta Xafladu socoto.
12 Jawiga Goobta Xafladda Ka dhigitaanka goobta xafladdu ka dhacayso mid qabow oo leh iftiin ku filan ( adeegsiga Mukayfyada Guur-guura)

 Shuruudaha Kala xulashada

 Qandaraaslayaasha waxaa la marinaya habraac shirkadda Wadaagsan ee qandaraas bixinta iyo kala xulashada ee ku saleysan tayada adeeg bixinta, qiimaha iyo waqtiga.

 Shuruudaha  (General Pre-qualification and Mandatory requirement):

 Codsigaaga waa in ay la socdaan dhamaan shuruudahan;

 

NO Qeexid (Description) / CRITERIA DHIBCAHA (MAX. SCORE)
1 Shahaadada Ganacsiga ( Valid business registration certificate) 10
2 Dhaqdhaqaaqa kootada bankiga (Bank Statememt) iyo Xisaab xir labo sano ee ugu dambaysay 10
3 Sooyaalka iyo qaabdhismeedka shirkadaa (Company profile & Company Organogram) 10
4 Khibradda shirkadda ee la xiriirta qabanqaabada iyo agaasinka xafladaha. Soo raaci codsigaaga ugu yaraan saddex (3) heshiis oo ku saabsan agaasinka xafladaha oo aad horay u soo qabatay, shirkadaha leh khibradaha agaasinka xafladaha dad gaarayo 1,000 qof ayaa helayo dhibcaha ugu badan. 20
5 Khibrada shaqaalaha:

Qandaraas laha waxaa looga baahanyahey in uu codsigiisa kusoo lifaaqo CV shaqaalaha oo leh 5 sano oo khibrad ah kuwa maamulka ah iyo shaqaalaha kale oo leh 3 sano oo khibrad ah.

Shaqaalaha muhiimka ah waxaa kamid ah (Event director / Team leader, Programme coordinator, Equipment coordinator, Hospitality coordinator, Venue co-coordinator). Shaqaale kasta waa in lagu qeexaa xafdlaha uu/ay kasoo shaqeysay

10
6 Qiimaha ugu macquulsan (Lowest bidding bid).

Qandaraaslaha soo gudbiya qiimaha ugu yar ayaa heli doona dhibcaha ugu badan oo ay la socoto wanaaga tayada shaqada

20
7 Mudada aad ku qaban kadho xaflada (Duration).

Fadlan codsigaa soo raaci shaxda shaqada iyo waqtiga aad ku qabaneyso. (Work plan)

20
  Dhibcaha guud 100%

 

 XOGTA ADEEG BIXIYAHA (DETAILS OF THE BIDDER):

 Fadlan buuxi:

 

Magaca shirkadda

 (Company Name)

 
Cinwaanka shirkadda

 (Company Address)

 
Waqti adeegan aad ku qaban karto

(Delivery time offered) Days

 
Wakiilka Shirkadda ( Bidder representative) Name:

Email:

Phone:

Title:

Signature:

Other information:  

Khibradda iyo Tixraaca ( Experience and References)

1 Magaca (Organization Name)  
  Adeeg aad u qabatey (Nature of service)  
Waqtiga la qabtey (Time)  
Goobta (Location)  
Tell  
Email  
   
2 Magaca (Organization Name)  
  Adeeg aad u qabatey (Nature of service)  
Waqtiga la qabtey (Time)  
Goobta (Location)  
Tell  
Email  
3 Magaca (Organization Name)  
  Adeeg aad u qabatey (Nature of service)  
  Waqtiga la qabtey (Time)  
  Goobta (Location)  
  Tell  
  Email  

 Magaca shirkadda (Bidder Name): ­­­­­­­­­______________________________________

 Qiimaynta Maaliyadeed (Financial Evaluation) Stage:

# Shaqada Halbeega Qiimaha ($)
1 Kuraas (conference and executive chairs)  Xabo (Pcs)  
2 Roog Meter  
3 Shaashado iyo cod baahiyayaal (Public addressing system / Big LED Screens and sound system) Xabo (Pcs)  
4 Qurxinta goobta  (Event designing Decoration and Branding) Package  
5 Goobta hadalka (Stage setup) Package  
6 Diyaarinta kaararka casumaada. ( Invitation cards and banner printing) Xabo (Pcs)  
7 Saxaafadda (Media and Live streaming) Package  
8 Ka shaqeynta soo dhaweynta Package  
       
  Qiimaha Guud (USD)  

 

  • Kharashaadka safarada iyo shaqaaluhuba waa in ay ku jiraan qiimeyntaada-
  • Fadlan iska hubi xisaabtadu in ay tahey mid saxan oo ay isleyihiin qiimayaasha shay kasta iyo isku darkooda guud. Shirkadda Wadaagsan masaxi doonto xisaab khaldan. 

  Qaabka soo gudbinta:

 Codsaduhu waxa uu xogta kusoo dirayaa Emailkan adoo cinwaan uga dhigayo (Event management service),

Xogta waxaad kusoo gudbin kadhaa luqadaha Englishka ama Somali.

info@garacadseaport.com CC: said.abdinur@garacadseaport.com

 Email: said.abdinur@garacadseaport.com

  

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *