About Us

Garacad Seaport

This project entails the construction of a port at Garacad coastal town. This private venture was undertaken with the approval of the government and will open up the central Somalia regions and eastern Ethiopia for smooth trade with the rest of the world, especially with the Gulf countries.

Mission &  Vision

Hiigsi

  • Shirkadda Wadaagsan waxay hiigsanaysaa inay noqoto hormuudka iyo hogaanka shirkadaha bixiya adeega dekedaha ee soomaaliya iyo geeska afrika.
  • To construct a preferred sea port in the horn of Africa region in terms of cargo handling.
  • To open the Central Regions of Somalia and South Eastern Ethiopia for easy and accessible trade with the outside world especially the Gulf countries and Far East Asia.

 Himilo

Himilada Shirkadda Wadaagsan waa inay Garacad ka dhisto dekad casri ah oo bixisa adeegyo dekadeed oo dhameystiran. Shirkadda Wadaagsan waxay ka qayb-qaadanaysa isku xirka dekeda Garacad iyo kastamka Tuurdibi waxaana mashruuca kamid ah dhismaha waddo dhan 303Km oo isku xiraysa Garacad, Galkacyo, Galdogob (3G), waddadaas oo laf dhabar u ah isu socodka iyo xiriirka ganacsi ee soomaaliya iyo itoobiya.

OBJECTIVES

Ujeedka guud ee shirkadda Wadaagsan waa xaqiijinta iyo ka gun gaarista yoolka shirkadda oo ah dhisidda Dekad casri ah oo bixisa adeegyada dekedaha sida, keydinta, daabulka iyo kala gudbinta badeecadaha sida ugu fudud uguna dhaqsaha badan.
Waxay shirkadu si gaar ah u hiigsanaysaa:
Hirgalinta Dekad casri ah oo haqabtirta baahiyaha dadka iyo ganacsatada ku nool gobalada dhexe ee Soomaaliya iyo Bariga Itoobiya dhanka wax dhoofinta iyo soo dajinta (Import and Export Services) Horumarinta iyo kor uqaadista dhoofinta xoolaha taas oo ay ka faa’iidaysan doonaan ganacsatada xoolaha iyo dhammaan xoolo-dhaqatada soomaaliyeed iyo kuwa bariga Afrika.

Helitaanka dekad caalami ah oo u fududeysa ganacsatada soo dajinta iyo dhoofinta cuntooyinka iyo agabka kale sida: qalabka dhismaha, beeraha iyo gaadiidka, si looga hortago abaaraha loogana qeyb qaato horuminta dalka iyo koboca dhaqaalaha. Fududaynta helitaanka goob (hub) caalami ah oo ay ku kala wareegaan konteenarada u kala gooshaya afrika iyo dunida inteeda kale(Transshipment services). Ka qayb-qaadashada horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha dalka sida: dhismaha dekedda Garacad, wadada Garacad, Galkacyo, iyo Galdogob (3G). iyo Kastamka Tuurdibi ee xadka itoobiya iyo soomaaliya.

PROJECT’S DETAILS

  1. Mashruucaan Waxaa laga hirgaliyey deegaanka Garacad oo qiyaas ahaan u jira Galkacyo 240km,Xadka Itoobiya (kastamka Tuurdibi) 303km, Muqdisho 750km, Boosaaso 920km, Berbera 1400km(cabirka xeebta), dekadda Garacad waxay noqonaysaa dekada ugu Gunta dheer Soomaaliya taas oo Gunta biyaheeda hoose uu gaarayo -13M.
  2. Mashruucaan waxa uu ka kooban yahay Dekad caalami ah oo leh 3 Jambi-saar (3 berths) oo maraakiibta waawayn iyo Doonyuhuba kusoo xiran karaan, Haamaha Kaydka Shidaalka, Bakhaaro (warehouses) iyo Barxado (Parking) waa wayn oo lagu kaydiyo badeecadaha kala duwan, Xafiisyo gacansi iyo Xarumo Dawladeed, Aaga Ganacsiga Xorta ah iyo Wado 303 KM oo isku xiri doonta Dekadda Garacad iyo Kastamka tuur-dibi.
  3. Dekeda Garacad waxaa kasoo dagi kara 3,500,000 tan sanadkii taasoo ah mid dabooli karta xaddi kasta oo loo baahdo ee dhanka adeega wax soodajinta.
  4. Project covers a storage expansion area of 84km².
  5. This port can accommodate 3 cargo ships of 10,000 DWT-20,000  (3×1500 containers 20’).